Markabka USS Makin Island oo yimid xeebta Somaliya & Howgalkii daadgureynta ciidamada Mareykanka

Reading Time: 2 minutes

Markabka dagaalka Mareykanka ee diyaaradaha xambaara USS Makin Island ARG/15th MEU ayaa soo gaaray Xeebaha Soomaaliya isagoo fulinaya howlgalka ciidamada Mareykanka looga daadgureynayo Soomaaliya.

Markabkan oo ay saaran yihiin 5000 ciidamada Badda Mareykanka, diyaarado dagaal, helikobtaro iyo Diyaaradaha xamuulka ayaa qabanaya inuu ka jawaabo baahida ciidamda Mareykanka ee la daad gureyneyo iyo wixii khatar ah ee ku imaan kara, wuxuuna Soomaaliya ka saarayaa ilaa 700 askari, hubkooda iyo saadka ciidamdaasi oo ay ku jiraan dyaaradaha Drone-ka ee ay ku howlgalaan.

“Imaanshaha Markabka iyo awooddiisa dagaal waxay caddeyn u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan tageerno saxiibadeen..isla markaana aan difaacno ciidamadeena xilligan kala guurka ah..” ayuu yiri Generaalka madaxda ka ah ciidamada Cirka Mareyanka ee Afrika ka hwolgala Maj. Gen. Dagvin Anderson.

Madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo ee Mareyanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyey in ciidamada Mareykaak ee jooga Soomaaliya laga saaro, iyadoo walaac badan laga muujiyey arrintan.