Markabka Tritex Glory ayaa shixnadii u horreysay keenay dekedda Garacad ee gobolka Mudug , iyadoo qorshaha uu yahay labadii toddobaadba inuu mar ku soo xirto dekedda Garacad.
Wuxuu Tritex Glory , ka mid yahay maraakiibta ugu caansan ee kunteenarada qaada ee muddada kooban dalka ku soo gaarsiiya shixnadda kala duwan ee laga soo dejiyo dekeddaha Soomaaliya , oo ay hadda ka mid noqonayso dekedda Garacad.
Maamulka dekedda Garacad ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhawaan maraakiib ay leeyihiin shirkadaha ugu caansan ee xamuulka qaada in ay ku soo xiran doonaan dekedda Garacad.