Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in Markab Somaliland ka qaaday habeen Hore xoolo ayaa badda ay ku degtay badda. Warka ayaa intaas ku daray in 11 qof oo Markabka ka hawlgalayay ay iyagana la laa yahay raq iyo Ruu,x Mareeyaha Waaxda Dekkada Berbera Ee Somaliland Siciid Xsan Cabdilahi oo faahfahiyay doonida degtay iyo khasaaraha ka dhashay ayaa yidhi.
“Doonta SK Marwah oo xalay xoolo ka qaaday Dekedda Berbera ayaa ku degtay meel u dhaw marinka Baabul Mandab. Doontan degtay oo ku wajahnayd Yemen, waxay u rarnayd ganacsatadeenna xoolaha dhoofisa.
Waxay qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi. Sidoo kale waxa saarna doonta shaqaale 10 baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu cawil-naq khayr qaba ka siiyo ganacsatadeenna maalkoodii ku waayay masiibadan rabbaaniga ah” ayuu yidhi Siciid Xasan