Waxa Dekada Magalaada Boosaaso ku soo xirtay markabkii labaad ee sida qalabka dhismaha dekada magaalada Boosaaso, kaas oo la sheegay inuu ka soo kicitimay dalka Isku taga Imaaraadka Carabka.
Waxaa si xoowli ah ku socda dayactirka iyo dib u dhiska Dekada Boosaaso taas oo la filayo in sanadkaan gudahiisa la soo afjaro. Dhismaha Dekada waxaa iska kaalmeysanaya dowlada Imaaraadka iyo Dowlad Goboleedka Puntland.