Markab Dhuxul u Sida Dalka Qadar oo Lagu Arkayo Deked Ku Taala Jubada Hoose

Reading Time: < 1 minute

Warar anu heleyno ayaa sheegaya in haatan Markab Dhuxul ah laga rarayo Deked Macmal ah oo ku taalla Buurgaabo oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Markabkan oo u kireysan Ganacsato reer Jubbaland ah ayaa sida wararku sheegayaan ku wajahan Xeebaha Dalka Qadar.

Buurgaabo waxaa gacanta ku hayo Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxayna hoos tagtaa degmada Badhaadhe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa usbuucii la soo dhaafay mamnuucday ka Ganacsiga dhuxusha, keddib shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Buurgaabo waxay muddooyinkii dambe saldhig u noqotay dhoofinta Dhuxusha sharci darrada ah, iyada oo ay dhaqaale xooggan ka hesho Jubbaland.

Dekedda magaalada Kismaayo ayaa hore looga dhoofin jiray, balse waxaa haatan loo weeciyay Buurgaabo.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa arrinkan noo xaqiijiyay ,iyaga oo ka gaabsaday in aan Codkooda baahinno.