Markab dagaal oo laga leeyahay Eriteriya oo ku soo wajahan Baraawe

Reading Time: < 1 minute

Markab dagaal oo ay leedahay dowladda Eriteriya aya ku soo wajahan xeebaha Soomaaliya, markabkan aya waxaa uu qeyb ka noqon doonaa laba markab kale oo laga leeyahay dalka Emaaraadka kuwaaso dhisaya saldhig ay degi doonaan ciidanka Badda ee Itoobiya.

MW. Maxamed Farmaajo aya heshiis uu la galay RW Itoobiya Abiy Axmed bishii Juun ee sanadkan waxaa dowladda Itoobiya loo ogolaaday in ay maamusho afar (4) dekedood oo ka mid ah dekedaha dalka Soomaaliya.

Dekedda Baraawe aya ah dekeddii ugu horreysay oo ay si buuxda ula wareegayaan ciidanka Badda Itoobiya oo gacan ka helaya dowladda Imaaraadka iyo shirkadda FSG ee uu leeyahay Eric Prince oo heshiis la gashay MW. Hore ee maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh. Adan.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!