Ma runbaa in Mareykanka uu Xasan Kheyre u diiday VISAHA dal ku galka?

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo dowlada Mareykanka ay dhawaan ku dhawaaqday in qaar kamida siyaasiyiinta Soomaalida saartay cunaqabateynta visaha dal ku galka Mareykanka, ayaa waxa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in asbuucaan Xasan Kheyre loo diiday visaha dal ku galka Mareykanka.

Sida MOL u xaqiijiyeen dublamaasiyiin la socda arintaan, Xasan Kheyre ayaa ay ahayd in uu asbuucii la soo dhaafay uu u safro  magaaalada  Miniapolis ee gobolka Mineasota.  Safarka ayaa la xiriiray qorsho oo Kheyre rabay in uu halkaas isugu soo sawiro Soomaalida ku nool Mareykanka.

Waxaa wax fajac ku noqday Xasan Kheyre in loo diido visaha dal ku galka iyada oo aanba wali la meelmarin go’aankii dhawaan ka soo baxay wasaarada arimaha dibada dalka Mareykanka.

Xogta ay heshay MOL ayaa sheegaya in Xasan Kheyre uu qabsaday lobbyist ama kooxaha kaalmeeya siyaasiyiinta si ay ugu fududeeyaan in uu helo Viso. Waxa kale uu u dacwooday dowlada Norway oo uu haysto baasaboorkooda  in ay ka caawiso in uu helo visaha lagu gali Mareykanka.

Lama hubo in Xasan Cali Kheyre ku guuleysan doono in uu helo Viso ama loo ogolaado si uu halkaas ugu safro.