Mareykanka oo si buuxda u taageeray jadwalka Doorashada Guddiga FEIT iyo RW Rooble

Reading Time: < 1 minute

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay Jadwalka dhammeystirka Doorashada dadban ee 2022 oo ay xalay soo saareen Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT.

Jadwalkan ayaa lagu asteeyay in 14-ka April 2022 ay noqoto maalinta la dhaarinayo xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee 11-aad, waxaase ka hor yimid madaxwenayaasha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen iyo Galmudug Axmed Qoorqoor.

Qoraal kas baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri: “Waxaan sugeynaa in aan la kulanno Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya, kadib markii la dhaariyo 14-ka Abriil xilliga ku habboon”.

safaaradda ayaa qoraalkan kooban ku dul qortqay Jadwalka Guddiga Doorashooyinka Heer federaal oo ay soo xigatay, waxayna sidan ku taageertay qorshaha Ra’iisal wasare Maxamed Xuseen Rooble ku doonayo inuu Muqdisho isugu keeno xildhibaannada la doortay ee labda Gole.

Madaxda maamul Goboleedyada taageertan Farmaajo ayaa ka horjeeda arrintan iyagoo wada dadaal ay xildhibaannada ay soo saareen kusii maamulayaan.