Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo kaashanaya dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya ay 14-kii bishan October duqayn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in weerarkan oo lagu dilay Afar xubnood oo argagixiso ah islamarkaana hadda la qiimaynayo haddii dad rayid ahi ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqeyntaasi.
Warsaxaafadeedku waxa uu intaasi ku daray in duqayntu ay timi kadib markii ciidanka ay wada shaqaynta leeyihiin la kulmeen rasaasayn, iyadoo hawlgalkaasi oo ay hogaaminayeen Soomaalidu islamarkaana aanay ku jirin ciidamada Maraykanka.
Ugu danbayn waxa war saxaafadeedka lagu sheegay in ciidamada Maraykanku ay sii wadi doonaan dhammaan talaabooyinka ay awooda u haystaan ama haboon ee ay ku ilaalinayaan muwaadiniinta Maraykanka ah islamarkaana ay ku wiiqayaan Al Shabaab.