Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay gelinkii dambe diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Africom duqeynta oo ay gacan ka geysten ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya lala eegtay xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolkaasi. Mareykanka ayaa shaaciyey weerarkaasi dhanka cirka uu ku khaarijiyey illaa xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu warka ka soo baxay taliska Africom intaasi ku sii darayaa in gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab lagu burburiyey saldhigga la weeraray. Ugu dambeyn Africom ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in duqeyntaan wax khasaare ah uusan ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobta la duqeeyay.