Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ku socoto wado khatar ah, digniina u dirtay DFS

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo xaalada siyaasada  Soomaaliya ay ka sii darayso maalimba maalinta ka danbeeysa, ayaa qaar mida beesha caalamka bilaabeen in ay ka digaan khatarta ka soo socoto dalka Soomaaliya. Dowladda Mareykanka  oo mudo ka aamusnayd  xaalada  Soomaaliya iyada oo rajo ka qabtay in xal loo helo khilaafka ka jira Soomalaiya ayaa markii u horeysay war saxaafadeed adag ka soo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay gashay marxalado aan la fileyn oo ka dhashay khilaafka dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

War saxaafadeed oo ahaa mid aan caadi ahayn kana  soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida  ee iksu haysta siyaasada Soomaaliya ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed.

Ma aha dowlada Maraykana oo kaliya in ay ugu muqato in Farmaajo iyo kooxdiisa ay dalka ku sii wadaan wado xun, laakiin wadamada Yurub ayaa sidoo kale muujiyay dareen cabsi ah, kuwaas oo sheegay in Dowlada Farmaajo ay ku fashilantay hogaanka dalka isla markaana si deg deg ah loo faragaliyo Xaalada Siyaasada Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed”, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo ahaa mid kooban.

Beesha Caalamka oo wal wal ka qabta wada shaqayn la’aanta dowlada Fedaraalka iyo beesha caalamka ayaa ku baaqday wada shaqayn.“Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”, ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Dowlada Mareykanka oo dano badan oo ay ka lahayd Soomaaliya  si indho la’an ah uu ugu fuliyay Farmaajo isaga oo iibiyay qaranimadii Soomaaliya, ayaa si dhow u taageeraysay dowladda Farmaajo, iyadoo aanay badanaa ka hadli jirin xaaladaha siyaasadeed ee hadba mar soo kordha, iyadoo la xusuusto sida dowladdii hore ay xilli walba xaaladaha siyaasadeed ee dalka uga hadli jireen, waxaana jiray dhaliilo siyaasiyiinta mucaaradka u jeediyeen Mareykanka oo ahaa in danahooda gaarka ay ka leeyihiin dowladda ay kula safteen Farmaajo.