Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Al Shabaab ay maamulaan meelo kooban oo ka mid ah Somaliya, marka la eego baaxda dhulka ay ka taliyaan Ciidankooda.
Warkaan ayaa waxaa sheegay Agaasimaha Xiriirka dadweynaha ee Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika, waxaana uu tilmaamay markii hore Shabaab inay haysan jireen meelo badan oo ka mid ah Somaliya, balse hadda awoodooda ay hoos u soo dhacday.
Qiimeyn ahaan wuxuu sheegay Shabaab markii hore inay haysan jireen dhul cabirkiisa lagu qiyaasi karo, 90% balse hadda ay haystaan 20%, taasi oo muujinaysa inay hoos u soo dhacday awooda ay leeyihiin Ururka Al Shabaab, marka laga hadlaayo deeganada ay Maamulaan.
Chris Karns, Agaasimaha xiriirka daweynaha ee Taliska Afrika ayaa sheegay Ciidamada Mareykanka & kuwa Danab oo iskaashinaya inay horumar fiican ka sameeyeen dagaalka ka dhanka Al Shabaab, islamarkaana ay sii wadi doonaan.
Inkastoo Wali Shabaab ay maamulaan Deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka Somaliya, haddan awooda Shabaab ay leeyihiin waa mid aanan la dhayalsan karin, marka loo eego dagaalada ay ku qaadaan Xarumaha Ciidamada iyo deeganada ay Maamulaan Ciidamada dowladda.
Mareykanka ayaa hawlgal dhulka ah & mid cirka ahba wuxuu ka fuliyaa deeganada ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab ee Bartamaha & Koonfurta Somaliya.