Mareykanka oo shaaciyay in Farmaajo uu ku fashilmay la dagaalanka Al Shabaab (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Warbixin ay Sirdoonka Mareykanka soo saareen ayaa lagu sheegay in halista Alshabaab ku heysto dalalka Bariga Afrika ay sii socon doonto sanadaha soo socda.

Warbixinta bulshada sirdoonka Mareykanka oo lagu qiimeeyo argagixisada dunida oo dhan: “Worldwide Threat Assessment of the US Intelligence Community” , kana kooban 42 bog, oo la soo saaray 29-kii Janaayo 2019 ayaa argagxiisada Afrika lagu qiimeeyay hal bog, waxaaa lagu sheegay saddex sababood oo keenay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilanto dagaalka Alshabaab.

Arrimahaas ayuu sirdoonka Mareykanka sheegay inay kala yihiin: tartanka siyaasiyiinta u dhaxeeya, Musuqmaasuqa iyo wadashaqeyn liidata oo ka dhaxeysa hay’adaha amniga Soomaaliya, waxaana sidoo kale warbixinta lagu sheegay in ciidamada AMISOM aysan u muuqan kuwo dagaallo xoog leh la gelaya Alshabaab si ay awooddooda u kala dhantaallaan.

AMISOM ayaa ciidamo gaaraya 21,000 askari ka joogaan Soomaaliya, iyadoo la wado qorshe dalka Soomaaliya looga saarayo sanadka 2021.

Horn of Africa
The states of East Africa will confront internal tension and a continuing threat from al-Shabaab, despite improved intergovernmental relations and Ethiopian-Eritrean rapprochement. Elite competition, corruption, and poor coordination among security services in Somalia will hamper efforts to tamp down violence. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is unlikely to engage in aggressive offensive operations against al-Shabaab in advance of the mission’s scheduled withdrawal from Somalia by 2021. Ethiopia and Eritrea will struggle to balance political control with demands for reform from domestic constituencies.
[Worldwide Threat Assessment of the US Intelligence Community 29 January 2019]