Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland.
Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in liiska argagixisada lagu daray,ku xigeenka hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo lagu magacaabo, Mahad Macallin.
Ninkaan ayaa sidoo kale qaabilsan fududaynta sanaadda iyo hubka kooxdaan uga yimaada dalka Yemen,sida lagu xusay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka .
Dowladda Maraykanka ayaa aaminsan in Daacishta Soomaaliya ay hubka ugu badan ka heshay dhinaca waddanka Yemen oo ay ka socdaan dagaallo ba’an,islamarkaana hubkii dowladdu gacanta u galay Islaamiyiinta xagjirka ah.
Wadaadka Xagjirka ah ee Cabdulqaadir Mu’min oo ay weheliyaan 20 kamid ah taageerayaashii hore Al-shabaab,ayaa bishii October ee sannadkii 2015 ku dhawaaqay in uu daacad u yahay hoggaamiyaha sare ee Daacish,Abuu-bakar Albaqdaadi,isagoo ku xigeenkiisana u magacaabay,Mahad Macallin oo ah ninka haatan liiska argagixisada lagu daray.