Mareykanka oo lagu eedeeyay in qalab ay-siisay ciidanka DFS-lagu-laayay-dadka rayida

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Mareykanka ayaa qirtay in qalab  ay ku tageereen ciidanka dowladda Soomaaliya kaas loogu tagalay in lagu weeraro  saraakiil ka tirsan Al-Shabaab todobaadkii hore oo ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah.

Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan la socon ciidamada Soomaaliya inta uu howlgalka socday balse ay si fog u caawin jireen.

“Maraykanku ma uusan fulin duqeymo inta uu socday ama lagu taageerayay howlgalkan, sidoo kale ma jirin askar Mareykan ah oo la socotay ciidamada Soomaaliya intii uu socday howlgalka ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee heerka sare ah 6-dii Sebtembar, 2023, agagaarka El Lahelay, Soomaaliya”. Major Jessica Tait ayaa ku ku tiri email.

Waxay ay intaas raacisay, “Ciidamada Mareykanka waxay la talinayeen oo caawinayeen howlgalka ciidamada Soomaaliya meel fog.”

Tait ayaa xaqiijisay in caruur Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay dhacdadan. “Qiimaynta billowga ah ee taliska ayaa ah in hal qof oo dumar ah iyo saddex carruur ah lagu dilay goobta,” ayay tiri. ” Codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa si caafimaad ah u daad gureeyay laba caruur ah oo dhaawac ah, midna waa badbaaday.”

Xarakada Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay 7-dii bishan September waxa ay ku eedeysay ciidamada Mareykanka in ay ka dambeeyeen dilka dadka rayidka ah. Al-Shabaab ayaa ku eedeysay in ciidamada Mareykanka ay qaadeen meydadka si ay “ u qariyaan” xaqiiqada dhacdada.

Mareykanka ayaa beeniyay eedeynta Al-Shabaab. “Sheekada ay Al-Shabaab faafisay ee ah in ciidamada Mareykanka ay dhibaato nasiib darro ah u geysteen dadka rayidka ah waa been,” AFRICOM ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka 8-dii September.

Tait waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanku “aysan wax rasaas ah ridin wakhti kasta oo ay wadeen daadgureynta caafimaadka.”

VOA