Mareykanka oo ku qasbay G/Hore Mursal in soo afjaro Baarlamaanka

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal Sheekh ayaa soo afjaray shaqadii Golaha shacabka, isagoo Liiska sharciyadaha horyaallay, kuwii hakaday iyo kuwii socday u diray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaariinta Maxamed Xuseen Rooble.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo la hadlay Gud. Hore Maxamed Mursal ayaa u sheegay in uu BJFS ay dhammaatay shaqadiisa iyagoo weliba u sheegay in uu cawaaqib xumo la kulmi doono haddii aanu soo afjarin shaqada Baarlabaankii 10 ee howshiisa ay dhammaatay Bishii Desember 27 2020.

Qoraalka Mursal ayaa ku taariikheysan 25 Septembar 2021, wuxuuna ku socday Ra’iisal wasaaraha, iyadoo ogeysiin la siiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waxaana lagu sheegay xeerarkii qabyada ahaa inay xukuumadda Xilgaarsiinta u gudbiso Golaha Wasiirada cusub ee Doorashda kadib, si ay Baarlamaanka 11-aad ugu celiyaan.

“Madaama xukuumadda Federaalka ay ku jirto xilliga xilgaarsiinta, Golaha shacabkuna hadda u baxayo Doorasho, waxaan halkan kugu soo celinayaa Hindiseyaasha Sharci iyo Heshiisyada Warqadan ku lifaaqan, si aad ugu wareejiyo Golaha Wasiirada cusub, iyagana ugu gudbiyaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee 11-aad” ayuu qoraalkiisa ku yiri Guddoomiye Mursal oo si toos ah qoraalkiisa ugu socday Ra’iisal wasaare Rooble.

Tallaabadan ayaa soo afjareysa shaqadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad, iyadoo ay meesha ka baxday shakigii laga qabay in Golaha muddo xileedkiisyu dhammaaday loo adeegsado Ra’iisal wasaare Rooble, sida lagu tuhunsanaa inuu ku dhaqaaqi karo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!