Mareykanka oo ku dhowaaqay in uu Ciidamo geynayo Bariga Yurub

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ansixiyay in ciidamo dheeraad ah loo diro bariga Yurub, xilli Washington ay isu diyaarineyso sidii ay uga hortagi lahayd duullaanka laga cabsi qabo Ruushka in uu ku qaado Ukraine.

Xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka John Kirby ayaa Arbacadii sheegay in ciidamada dhawaan la geyn doono dalalka Poland, Romania iyo Jarmalka si looga jawaabo “xiisadda ammaanka ee hadda jirta”.

Waxaa uu  sheegay in 1,000 askari oo hadda saldhigoodu yahay Jarmalka la geyn doono Romania, 2,000 oo askarina Mareykanka laga diri doono lana geyb doono Poland iyo Jarmalka.

Ku dhawaaqistan ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku eedeeyay reer galbeedka inay hurinayaan dagaal ka dhex qarxa Ruuska iyo Ukraine.