Mareykanka oo ka hadlay xiisadda ka taagan madaxtooyada

Reading Time: < 1 minute

Mareykanka oo kamid ah dowladaha taageera Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeeysa Farmaajo iyo Rooble ee Manata ka taagan Gudaha Villa Somalia.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri”  Waxaan si adag ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda Muqdisho, kana fogaadaan falalka kicinta ah, kana fogaadaan rabshadaha.

Mareykanka iyo dalalka kale ee Reer Galbeedka  ayaa inta badan ka gaabsada inay runta u sheegaan Shaqsiga loo arko in uu carqalad ku yahay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.