Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday shabeelada Hoose.

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Hanti-wadaag ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa Sheegaya in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dowladda oo is garabsanaya ay weerar Ku qaadeen deegaan good yimaada degmada janaale .

Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu duqeeyay xaruumo ay Al-Shabaab kuleeyihiin Tuulada Hantiwadaag oo qiyaastii 12 KM u jirta degmada Janaale, Sida ay xaqiiyeen howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa waxaa ay Sheegeen in halkaas ay ku dileen hal kamid ah Al-Shabaab oo ku sugnaa xarunta la duqeeyay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin howlgalkan lagu qaaday xaruumahooda.

Ciidamada mareykanka iyo kumaandoosta Soomaaliya ayaa iyo dhowr jeer oo hore duqeyay xarumo ay Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeelada Hoose.