Mareykanka oo K/Waqooyi fariin udiray

Reading Time: < 1 minute

Mike Pompeo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka,  ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi wali ay tahay khatar muuqata, inkastoo halistaasi imika ay yaraatay.

Waxaa uu sheegay in cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Kuuriyada waqooyi ay wali sideedi ahaan doonto ilaa iyo inta laga xaqiiijinayo burburinta Hubka Niyuklerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Mr Pompeo ayaa sheegay in mar dhaw uu u safri doono Pyongyang si uu Kuuriyada Waqooyi ugu cadaadiyo wadahadalada ku saabsan Niyukleerka.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay fariimo muujinayay rajo ka dib markii hogaamiyayaasha labada Kuuriya ay kulmeen.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ug talabaxo barnaamijka Niyukleerka.

Waxa uu sidoo kale ka shanqariyay rajada uu ka qabo in dadaalkani dublamaasiyadeed uu horseedi doono kulan labaad oo dhex mara madaxwayne Trump iyo Mr Kim.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!