Reading Time: 2 minutesCiidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in aan loo diyaarinin in ay si daacad ah ula dagaalaan kooxda Shabab, balse taa bedelkeeda loo isticmaalayo si shaqsi ah iyadoo ay dowladda Federaalka ah ka dhigtay ciidanka kuwa lagu fushado dano shaqsi ah.

MW Farmaajo aya u daabulay ciidanka loogu talo galay in ay sugaan amniga magaalada Muqdisho iyo kuwo kale oo loogu talo galay in ay kooxda Shabab ka xoreeyaan goobaha ay ka  heystaan gobolka Gedo qaab uu rabo in uu xilka kaga tuuro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe si halkaa uu Madaxweyne uga noqdo nin beeshiisa ah sida lagu sheegay warbixinta.

Ciidanka Mareykanka aya shaki badan ka muujiyay in Dowladda Federaalka ah ay daacad ka tahay la dagaalanka kooxda Shabaab, waana midda keentay in maalintii shalay aay si toos ah ula kulmaan Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee bariga Afrika Madaxweynaha Jubbaland iyadoo loo ballan qaaday Axmed Madoobe in la siin doono taageero dhaqaale iyo mid ciidan isla markaana ciidamada Mareykanka, kuwa AMISOM ee Kenya iyo ciidanka Jubbaland lagu wado in muddo dhow aay kooxda Shabab ka xoreeyaan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Arrintan aya meesha ka saareysa damaca Farmaajo iyo Itoobiya ee ahaa in ay dagaal ku qabsadaan degmooyinka Bu’aale iyo Saakow si halkaa looga sameeyo doorasho cusub degmada Bu’aale.

Iyadoo aay ka harsan tahay wax ka yar sanad, doorashada la filaayo in ay dalka ka dhacdo Febraayo 2021, aya waxaa wadamada beesha caalamka iyo xisbiyada siyaasadda ay welwel xoog leh ka muujiyeen qaabka uu dalka u wado MW Farmaajo, waxaana 15 bisha foodda nagu soo heysa lagu wadaa in magaalada Garoowe lagu qabto shir la isugu yeerayo saamileyda siyaasadeed ee dalka si go’aan looga gaaro dib u dhaca Madaxweyne Farmaajo uu la damacsan yahay doorashada iyo sidii go’aan mideysan looga qaadan lahaa in uu Farmaajo sameysto muddo kororsi.

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
139 days
17 hours
02 minutes
27 seconds