Mareykanka oo beeniyay in Weerarkii Lamu ay ka dambaysay Dowladda Iiraan

Reading Time: < 1 minute
Dowladda Mareykanka ayaa beenisay in iiran ay ku lug laheyd weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen lamu Dalka kenya.

Qoraal kasoo baxay taliska mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in wararka warbaahinta ay daabaceen ay yihiin kuwa been abuur ah.

“Taliska mareykanka ee Africa ma go’aamin in weerarkii shalay ee ay Al-Shabaab qaadday uu xiriir la lahaa Iran,inkastoo aan Iran looga shakisneyn in ay ku lug lahayd weerarkaasi,haddana Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa waxa uu arkay wadamo kale oo ay ku jirto Iran iney sii kordhinayaan saameyntooda gobolka Geeska Africa.”, ayaa lagu yiri qoraalka AFRIKOM.

Qoraal kasoo baxay taliska mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa imaanaya xili warbaahinta qaar ay daabaceen In Iran Shabaab u adeegsatay weerarkii lagu qaaday Saldhig ay ku lahaayeen Lamu

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!