Mareykanka oo amray in ciidanka PSF ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Wadahadalo mudo dheer u socday Ciidanka PSF ee Puntland iyo ciidanka Mareykanka ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu go’aamiyay in ciidanka PSF ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda qaybo kamida dalka Soomaaliya, halka ciidankaas oo in mudo ah mushaar la’aan ahaa uu mushaarkooda bxiin doono dalka Maraykanka.

Iyada oo laga duulayo go’aankaas ayaaana ay si rasmi ah ugu biireen gulufka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda koonfurta Gobolka Mudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa xalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolkaas. PSF ayaa xoojinaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ee loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab.

Ciidamadan wadajirka ah ayaa ku jihaysan degaannada koonfurta Gobolka Mudug ee ay weli ku harsan yihiin Al-shabaab si halkaas looga saaro.