Urur Diimeedyadda Dalka ka Jira Ma laga-yaabaa in ay ku Arooraan Tubta Al-Hijra!!

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Mareykanka ayaa $3 Milyan oo dollar dul dhigtay Madaxa Axmed iiman Ali oo ka tirsan ururka Al-Shabaab Gaar ahaan qeybta dalka Kenya, una qaabilsan weerarada ka dhaca dalkaasi .

Axmed waxaa uu Mareykanka ku sheegay in uu yahay hoggaamiyaha Garabka Al-Hijra ee Al-Shabaab kana dagaallama dalka Kenya iyo xuduuda Somaliya  uuna ku lug lahaa weeraro badan oo ka dhan ahaa shacabka iyo Ciidamada Dalka Kenya.

Axmed ayaa tan iyo sanadkii 2012 ayaa ahaa hogaamiyaha Al-Shabaab ee dalka Kenya, waxaana si aad ah loogu xusuustaa weerarkii Ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-Cadde oo lagu dilay in ka badan 180 askari oo Kenyan ah.

Sirdoonka Dalka Mareykanka ayaa horay u beeniyay in Axmed uu ka goostay Al-Hijra una baxsaday dhinaca Somaliya , balse waxa ay xaqiijiyeen wali inuu ka tirsan yahay.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa baahiyay warka ah in uu Axmed ka Goostay Al-Shabaab, waxaana sirdoonka Mareykanka ay sheegayaan in uu wali yahay hoggaamiyaha Al-Hijra.

Ciidamada u dagaallama Al Hijra inta ugu badan waa Kenyaan sida uu sheegay Mareykanka, waxaana ku jira Ajaanib kale oo dalalka Afrika ka tirsan, kuwaasi oo qayb ka ah dagaalka.

Mareykanka ayaa Garabkan Al- Hijra ku daray liiska Ururrada argagixisada ee Caalamiga ah, waxaana ay hoggaankooda sheegeen in Qofkii soo sheega la siinayo 3 Milyan oo Dollar