Mareykanka & Midowga Yurub oo ku eedeeyay RW Abiye Axmed Danbiyo Dagaal

Reading Time: < 1 minute

Tan iyo markii uu bilowday Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya, waxaa RW Itoobiya Abiye Axmed uu diiday in la gaarsiiyo gargaar shacabka ka barakacay dagaalada sokeeye, wuxuuna jaray dhammaan aaladaha isgaarsiinta.

Beesha Caalamka ayaa ku guul dareysatay cadaadis aay saareen dowladda federaalka Itoobiya inay siiso gargaar bani’aadanimo qaxootiga ku sugan gobolka, kuwaas oo baahi weyn u qaba gaar gaar degdeg ah, waxaana gobolka ka jira gaajo iyo baahiyo kale oo aasaasi ah.

Mareykanka ayaa sheegay in uu si toos ugu cadaadinayo xukuumada Eritrea in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia, halkaas oo goob joogayaal ay ku sifeeyeen in ay dhac iyo ugaarsi ku hayaan dadka rayidka ah ee ku sugan gobolka Tigree ee ay dhibaatada ka taagan tahay.

“Xadgudubyada ka socda Tigray waxay u dhigmaan dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha waxayna jebinayaan heshiisyo caalami ah oo Ereteriya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen” Ayaa lagu yiri warbixin aay si wadajir ah u soo saareen Mareykanka & Midowga Yurub.