Mareeykanka oo Xaqiijiyay in Askari looga dilay Weerar  ka dhacay Deegaan Dulleedka ka ah Kismaayo

Reading Time: 2 minutes

Askari ka tirsan Ciidamadda Mareeykanka  ee  soomaaliya  jooga ayaa lagu dilay Weerar gaadmo ah oo ay Al-shabaab kusoo qadeen Kolanyo Ciidamo iskugu jira Mareeykan Soomaali iyo Keenyaan u kusii jeeday Deegaan Baar Sanguuni oo kismaayo Dulleedka ah .

4-ruux oo kale oo ka mid aha Howl-wadeenadda  Mareeykanka ayaa dhaawac Culus soo gaaray ka dib markii gaari ay la socdeen ay haleeleen rasaas culus oo ay Gadiidka la beegsadeen Raggii ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab ee Weerarka soo qaaday.

Ciidamada Ajnabiga ah ee dhaawacu soo gaaray ayaa loola soo cararay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland,Mareeykanka waxaa soomaaliya ka jooga Ciidamo gaaraya 500 oo asjari kuwaasi oo tababaro kala duwan siiya Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya,

2013 ayeey markii Ciidamo ka socday Dowladda Mareeykanka ay soo gaaraan Soomaaliya iyo waxii ka dambeeyay 1993-dii waxeeyna waqtigaasi sheegeen in ay Bogaadinayaan Ciidamadda Soomaaliya si ay uga guleeystaan Xarakadda Al-shabaab oo xariir hoose la leh Al-qaacida.

Mareeykanku waxaa uu horay u sheegay in Xarakadda Al-shabaab oo tirada Dagaalamayaashooda lagu qiyaasay 4,000 ilaa 6,000  lagama maarmaan tahay in lasoo  afjaro oo si wadajir ah loola dagaalamo Maadaama ay yihiin  Kooxda ugu tirade badan Waxa Reer Galbeedku Ugu Yeero Argagaxisada Caalamka

Weerarkaani lagu dilay Askari mareeykanka ah ayaa waxaa uu ka dhigan yahay Kii labaad oo lagu dilo xubin mareeykan ah oo soomaaliya ku sugan tan iyo 1993 kolkaas oo 18-askari oo mareeykan ah lagu dilay Soomaaliya,Bishii Maajo 2017  ayeeyna Aheed  markii la dilay askari Mareeykan ah asigoo fulinaayo Howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Ciidamada Mareeykanka ee ka Howlgalo afrika ayaa waxaa ay la kulmeen 2-dii sano ee lasoo dhaafay Weeraro gaadmo ah oo looga dilay Askar badan sida Weerar ka dhacay Niger oo lagu qaarajiyay 4-Askar oo mareykan ah .

Warbixin hoose oo ay dhawaan soo saartay Waaxda  Pentagon-ga  ayaa lagu muujiyay sida mareeykanku uga xun yahay Dilalka Xubnahooda jooga Afrika taasi oo ay ku tilmaameen Tababar yaro la tuhmaayo.