Mareeykanka oo sheegay Duqeeyn uu ka Fuliyay Soomaaliya in uu ku Dilay Xubno ka Tirsan Al-shabaab

Reading Time: < 1 minute

Warka soo baxay Taliska howlgalka Mareykanka Afrika ee(Africom) ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug,iyada oo ay kaashanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Warka ayaa lagu sheegay in la bartilmaameed saday Xarumo Al-Shabaab u aheyd xerooyin tababar oo ku yaalla degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug 12-kii Bishaan.

Sidoo kale Mareykanku waxa uu sheegay inay wadaan baritaano ku aadan in weerarkaas wax ku noqdeen dad rayid ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu siiwadi doono weerarada dhinaca cirka ah ee lala bartimaameedsanayo Xarumaha Al-Shabaab si ay u taageeraan hwolgallada ay wadan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.