Mareeykanka oo isbedel ku sameeyay weerarada cirka ah ee Soomaaliya ay ka fuliyaan!!

Reading Time: < 1 minute

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay xoojiyay weerarrada xagga cirka ah ee ay Mareykanka ka fuliyaan dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in sannadkan 2019-ka ay sare u sii kacaan.

La taliyaha dhinaca amaanka ee madaxweynaha Mareykanka John Bolton ayaa mar uu bishii Disembar jeedinayay khudbad ku saabsaneyd howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha ay dagaalka kula jiraan ee ku sugan Afrika waxa uu yiri: “kooxaha argagixisada ah ee ka howl gala Afrika waxay si joogto ah u bartilmaameedsadaan muwaadiniinta Mareykanka ah iyo danaha dowladdeenna”.

Waxa uu si cad u sheegay ineysan marnaba khafiifin doonin dagaalka ay kula jiraan kooxaha mintidiinta ah, sida xarakada Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya, oo xiriir toos ah la leh ururka Al-Qaacida

Bishii Maarso ee sannadii 2017-kii ayey waaxda gaashaan dhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ka heshay Aqalka Cad ansixin ku aaddan in la sii ballaariyo dagaalka ka dhanka ah kooxda xag jirka ah ee ku sugan waddanka ku yaalla geeska Afri

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!