Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay xubno ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya ku dileen duqeyn 4-tii bishan ka dhacday buuraha Goolis ee gobolka Bari ee Maamulka Puntland.
Duqeyntan ayaa ah tii toddobaad oo bishii u dambeysay lala beegsado Ururada Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Goolis.
“Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno shabakadaha argagixisada Soomaaliya, si dowladnimada ay u hanaqaado” waxaa sidaas yiri Jeneral William P. West, oo ah agaasime ku-xigeenka howl-gallada ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
Jeneral West ayaa sheegay in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inay ka faa’iideystaan fursadaha ay ka helaan kooxahan loogu yeero argagixisada si loo arbusho howlgalladooda, loona wiiqo awooddooda.
Weerarkan dhacay Arbacadii ayaa waxaa lagu dilay lix ka mid ah kooxda Daacish,sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Africom.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in dad shacab ah aysan wax ku noqon duqeyntii ugu dambeysay ay ka fuliyeen Gobolka Bari.