Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in duqeymahaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntii ugu horeysay ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay ku dishay 6 xubnood oo Shabaab ka mid ah sidoo kalena ay ku burburisay gawaari dagaal.
Duqeynta Labaad ayaa ka dhacday degaanka Baqdaad, waxaana halkaasi lagu dilay 4 xubnood oo Shabaab ka tirsan sidda ay sheegtay dowladda Mareykanka.
Warka ayaa lagu sheegay in dhammaan howlgalladaasi ay ka qeyb qaateen Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.
Ma jirto Cid Shacab ah oo ay waxyeelo soo gaartay sidda lagu sheegay warka.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.