Maraykanka oo uga digay Rooble & Farmaajo sii hurinta khilaafka siyaasadda

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay khilaafka ka dhex taagan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, kaas oo ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Warsaxaafeed kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa loogu baaqay labada mas’uul in si nabad ah ay ku xalliyaan khilaafka dhexdooda, islamarkaana diiradda la saaro Arrimaha doorashooyinka dalka.

Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo xal loogu keenayo khilaafka Rooble iyo Farmaajo, si looga hortaggo dib u dhac mar kale ku yimaada arimaha doorashooyinka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!