Maraykanka ayaa sheegay in uu xayiraad dal ku galka ah kusoo rogayo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Shiinaha kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay ku lugleeyihiin xad-gudunyo loo geeysto muslimiinta Shiinaha.
Go’aankaan ayaa waxaa uu imaanayaa kadib markii uu Maraykanku Isniintii 28 shirkadood oo shiinaha laga leeyahay uu ku daray liiska madow. Waxaa shirkadahaas lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen dhibka lagu hayo gobolka Xinjiang.
Xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykanka Mike Pombeo ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay adeegsatay olole caburin ah oo aad u sarreeya. Shiinaha ayaa dhankiisa iska diiday eedeynta loo soo jeediyay.
Ma ahan markii u horraysay ee Shiinaha lagu eedeeyo xadgudubyadda muslimiinta, Qaramadda Midoobay ayaa horay Shiinaha ugu eedeeysay in ay u xiranyihiin ilaa hal million oo qof.