Dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu dib u eegis dhan walba ah ku wado taageerada ay siiyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab kuwaas oo dhowaan qeyb ka ahaa dagaalladii lagu qaaday Ahlu sunna ee ka dhacay Guriceel, Galmudug.
Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay mid kamida warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya ee Goobjoog ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli doonin iney taageerada Mareykanka u isticmaalaan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka.
Colleen Crenwelge oo arrintaas ka hadleyso waxaa ay tiri “Dib u eegista la xiriirta taageerada aan siinno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-shabaab, waxaa xaqiijin doonaa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo isla markaana la jaanqaadi kara siyaasadda Mareykanka”.
Ciidamada Danab, ee Mareykanu biilaan ayaa loo daad-gureeyey Guriceel, qeybna ka noqday dagaal sababay iney barakacaan in ka badan 10 kun oo qof, horseedana xaalad banii’aadnimo oo aad u adag.