Maraykanka oo joojin doona shaacinta tirada shacabka lagu dilo duqeymaha

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laalay sharci horay u jiray oo qasbanayay in dowladda Maraykanka ay shaaciso tirada shacabka ah ee ku dhimata duqeymaha xagga cirka ee lagu qaado bartilmaameedyada argagixisada.

Waxaa sharcigan saxiixay madaxweynihii hore Barack Obama sannadkii 2016-kii, kadib markii uu culees kala kulmay kooxaha xuquuqda aadanaha oo sheegay in loo baahanyahay isla xisaabtan iyo hufnaan ku saabsan hawlgala ciidanka.

Laga soo bilaabo xilligii la geystay weeraradii 9/11 ee Maraykanka, waxaa aad u kordhay weerarada xagga cirka ee loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaano.

Meelahaas waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yemen iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ku yaala.

Maamulka Trump ayaa sheegay in sharciga shaacinta qasaaraha shacabka uu yahay mid aanan loo baahnayn.

Amarka cusub waxa uu xitaa quseeyaa hay’adda sirdoonka ee CIA, taas oo fulisa hawlgala gaar ah oo laga yaabo in ay dad shacabka ku waxyeeloobaan.

Balse weli meesha lagama saarin qodobkii qasbayay in tirakoobka qasaaraha loo sheego Aqalka Congress-ka oo ah hay’adda kormeerka iyo korjoogtaynta laanta fulinta.

Intii uu Trump joogay waxaa dhacay 2,243 oo weerar oo xagga cirka, halka labadii sanno ee ugu horeysay madaxweynenimada Obama la qaaday 1,878 weerar oo xagga cirka sida lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay Xarunta Dabogalka Saxaafadeed ee UK.

Isbahaysiga uu Maraykanka hoggaamiye ee Suuriya iyo Ciraaq waxa ay qirteen in la dilay 1,190 qof oo shacab ah, lana dhaawacat 269 qof laga soo bilaabo 2014-kii.

Xildhibaano iyo dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa eedeeyay tallaabadan cusub ee Trump, waxayna sheegeen in ay fursad siinayno hay’adda CIA-da in ay qaaddo weeraro badan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!