Maraykanka oo digniin u diray Rooble & Farmaajo, kuna amray dardar galinta doorashada

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Maraykanka ayaa  digiin kama danbeeysa ah u dirtay Farmaajo iyo Rooble. Qoraal ka soo baxay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegtay in ay lama huraan tahay in si degdeg ah loo dhammaystiro geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee haatan socda.

Warsaxaafadeedkaan oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibbada Maraykanka ayaa lagu sheegay in khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble uu  halis ku yahay inuu sii adkeeyo geeddi socodka doorashada, loona baahan yahay in si degdeg ah oo nabad ah lagu xaliyo.

Dhanka kale, Maraykanku wuxuu weli ka welwelsan yahay in doorashooyinkan ay mar hore dib uga dhaceen xilligii loo qorsheeyay islamarkaana uu dib-u-dhac kasta oo dheeraad ah uu kordhinayo suurtagalnimada in dalku cagaha la galo rabshado.

“Anagoo ka duulayna danta aan wadaagno si aan u hubinno in geeddi socodka doorashooyinku uu horey u socdo, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay ka fogaadaan hadallada ama ficillada sii kicinaya khilaafkooda,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka waxay ballanqaaday in ay gacan ka geysan doonto horumarinta qorshaha la-dagaallanka argagaxisada ee dalka iyo in dowladda soo socota fursad loo siiyo inay daboosho baahiyaha dadka Soomaaliyeed.