Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken & Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo xiriir telefoon yeeshay ayaa kawada hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida loo wajihi karo xalka khilaafka taagan.
Blinken & Kenyatta ayaa isku soo hadal qaaday in dardargelinta Doorashooyinka Soomaaliya uu xal u tahay ka gudubka is qabqabsiga iyo khilaafka soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo.
Mareykanka iyo Kenya ayaa Saamileyda Siyaasadda ee Soomaaliya usoo jeediyay in si fiiro dheer ay uga xaajoodaan cabashooyinka kasoo laabtay Doorashada Dalka si loo xaqiijiyo xaaladda geedi-socodka Dalka.
Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka & Madaxweynaha Kenya ayaa isku soo hadal qaaday Xaaladda cakiran ee Itoobiya, maadaama Kenya ay deris la tahay Soomaaliya & Itoobiya.
“Aniga & Madaxweyne Kenyatta waxa aan kawada hadalnay xal u helista colaadda Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay hoggaamiyaasha Soomaalida in ay soo gabagabeeyaan Doorashooyinka weliba si degdeg ah oo xakameysan” ayuu yiri Xoghaye Antony Blinken.
Kenya ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto xaaladda Dalalka Xad-wadaagga la ah ee Soomaaliya & Itoobiya oo saameynta dagaallada iyo khilaafaadka ka jira uu soo gaarayo balse ay ku baaqeyso in miiska wadahadalka lagu dhammeeyo tabashooyinka jira.
Mareykanka ayaa soo jeediyay in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, halka Madaxweynaha muddo xileedkiisa Dastuuriga ah uu dhammaaday ugu baaqay in uu joojiyo carqaladeynta, Washington ayaa ku goodisay in ay tallaabo ka qaadeyso dadka dhibaatada ku ah Nabadda Soomaaliya.