Mar kale iyo Maalin hor leh, Wasiir Beyle oo amray in la sii wado Boobka hantida Qaranka Liita.

Reading Time: 2 minutes

Mar kale Waxaa Wasiir Beyle uu amar ku siiyey agaasimahiisa guud inuu siiyo lacagtii laga joojiyey kooxdii uu Hantidhawraha guud ku helay wixii lagu soo oogay waana kooxdii uu Beyle naas nuujinayey ee kala ahaa:

  1. Cabdullahi Xasan Nuur
  2. Liban Adan Obsiye
  3. Nuur Cali Cumar

Shaqaalahan waxay ka shaqeeyaan xafiiska wasiir Beyle oo waa koox ay wax isla ogaadaan, kuna kaalmeeya Wasiirka wax isdabamarinta waxayna qaataan seddex mushaar.

Qoraalka uu dabakacay Hantidhowrka guud oo amray in laga soo celiyo lacagaha ku maqan kooxdaan  waxaa uu ahaa qoraal ay soo saareen aqoonyahanno Somaliyeed oo maamulka maaliyadda xog ogaal u ah, waxayna u direen Madaxweynaha hasa yeeshee waxba ka muu soo qaadin, kaidb iyagoo gudanaya waajibaadkooda waadanimo waxay la wadaageen shacbiga.

Wasiirka waa kii ka hor lahaa barlamanka waxaa nala degtay qabyaallada, haddaba ma waxay qabyaallada qaranka la degtaa marka uusan Wasiirka isagu sameyn ee qolo kale sameyso.

Qeybta qoraalkaas kaga aadan kooxdaan ee uu H/Dhowruhu raacay waa tan:

Shaqaalaha ka shaqeeya xaifiska Wasiir Beyle oo midkasta uu qaato saddex mushaar bishii. Dhammaan shaqaalahan waa qaraabada Wasiir Beyle.

  1. Liibaan Aadan Obsiye: Fiiri cadaymaha ku lifaaqan

$5,579.10, waxuu bisha June u qaatay mushaar iyo gunno, oo ku qaatay wasaaradda arrimaha dibadda. Darajadiisa waa la taliyaha 1aad ee Safaaradda Sweden,(lifaaqa hoose).

$4,000.00 , Bisha June waa gunno laga siiyey wasaaradda maaliyadda- xafiiska wasiir Beyle, Darajadiisa waa la taliye wasiir Beyle

$7,500.00, Bisha June waa mushaar laga siiyey mashruuca African Development Bank, darajada uu mushaarka ku qaatay waa madaxa mashaariicda Wasaaradda Maaliyadda

  • Isugeyn lacagta u bil kasta mushaar uu qaato $17,079.10 (Todobo iyo Toban kun, Todobaatan iyo Sagaal Dollar) bil kasta; $204,948.00/sanadkii
  1. Nuur Cali Cumar- Dubad: Fiiri cadaymaha ku lifaaqan
  2. $4,000.00 Waa Gunno uu ka qaatay xafiiska wasiirka Beyle; la taliye wasiir Beyle. 2. $5,000.00 Waxuu mushaar ka qaatay mashruuca RCRF. La taliye
    3. Xxxx Waa mushaar uu ka qaato xafiiska Raiisal Wasaaraha.
    Isugen $9,000.00 +(Sagaal kun iyo dheeri) bishii; $108,000.00/year
  3. Cabdullahi Xuseen Nuur; Fiiri cadaymaha ku lifaaqan
  4. $735.00 waxuu ka qaataa wasaaradda arrimaha dibadda, shaqaale arkifiyada
  5. $3,000.00 waxuu ka qaataa mashruuca SCORE, Bankig Adduunka, darajada, xoghaye
  6. $4,000.00 waxuu ka qaataa xafiiska wasiirka, waxuu ku qaataa la taliye

Isugeyn: $7,735.00 (Todobo kun todobo boqol, soddon iyo shan dollar/bishii; $92,820.00/year.

Warbixinta iyo maqaal laga qoraay halkaan eeg 

Hasayeeshee, iyadoo intaas oo baaris iyo caddeymo la soo bandhigay haddana markale kooxda waa la amray inay hawshooda iyo qaadasahda lacagahooda sii wataan.

Halkii laga filayey inuu kooxdan la horgeeyo cadaallada ayaa waxa markale uu si bareer wasiir Beyle u jebiyey una fasaxay inay sii wadaan boobka hantida qaran ee seddex mushaar qaadka ah.

Runtii waa naxdin iyo Calool xumo dalka u soo hayatay, haddii wasiirkii maaliyada uu dhacayo, haddii R/wasaarihii uu dhacay oo shirkado qarsoon uu shidaal hoosta kaga saxeexanayo, haddii madaxweynihii dalka uu rabo in uu Itoobiya iyo Erateriya na hoosgeeyo goorma ayaan baraarugeynaa oo waxan iska qabaneynaa?

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!