Mar kale iyo Agalka Cad (White House) oo lagu soo dhoweeyey Madaxweyne Somaliyeed

Reading Time: 3 minutes

Waa sharaf weyn oo u soo hoyatay dalkeenna mar kale, maanta. Waxay ahayd markii ugu dambeysay ee MW Somaliyeed uu cag dhigo Aqalka cad ee Markeykanka looga taliyo bishii August sannaddi 2014 markaas oo uu Mdaxdweyne Obama aqalka cad wadahallo kula yeeshay isla Madaxdweynaha maanta lagu casuumay ee Xasan Sheekh Maxamuud, waana markii labaad ee lagu casuumo aqalka cad  ee Mareykanka.

Muddo dheer ayuu isku dayayey Madaxdweynaheennii hore Maxamed Cabdullahi Farmajo inuu casuumad ka helo aqalka cad, waana ku guuldarreystay waxaanu xitaa qaaday laba tallaabo oo aan midkoodna mira dhalin, kuwaas kala ahaa:

  1. Isagoo shaqaaleysiiyey mid ka mid ah hay’adaha galaangalka siyaasadeed Sameeya (Lobbyist), kuna bixiyey lacag fara badan oo uu qaranku lahaa, taas oo ku habooneyd in lagu bixiyo ama lagu daboolo baahiyaha umadda Somaliyeed.
  2. Iyo Isagoo celiyey dhalshada Mareykanka kadib markii ay been u sheegtay hay’addii galaangalka oo ku tiri “ Waxaad haysataa dhalasho Mareykan ah marka ma laguu ogola inaad aqalka cad ku tagtid Sharaf iyo maamuus madaxdweynenimo kaas oo uu laba jeer  MW Xasan Sheekh ku tagay.

Haddaba maanta Kulan aad u qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa aqalka cad ku dhex maray MW Xasan Sheekh Maxamuud iyo  kooxda nabadgelyada iyo ammaanka dunida iyo gudaha dalka Mareykanka kala talisa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo uu horkacayey Jake Sullivan.

Qoraal ka sooo baxay aqlka cad ee Mareykanka (White House) ayaa lagu yiri:

Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan lagu xoojinayo iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya.

Mr. Sullivan, oo ay wehelinaysay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Amniga Gudaha Dr. Elizabeth Sherwood-Randall, ayaa ku ammaanay hoggaanka Soomaaliya shaqada ay ugu jiraan dhisidda talo qaran iyo ka hortagga khatarta argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Mareykanka iskaashiga milateri iyo midka rayidka ah ee socda si loo dhiso Soomaaliya xooggan, xasilloon oo nabad ah….”

Waa dhab in ay taariikh qormeyso dalkeennana uu soo hagaagayo waxaasa ummada Somaliyeed laga rabaa inay sabar u yeeshaa kacaa kufka ka imanaya isbadallada xoogan ee hadda la wado.

Dad badan ayaa laga yaabee inuu isbadalka socdaa saameeyo hasa, yeeshee waxa ugu wanaagsan waa iyadoo Somaliya maanta lagala tashanayo arrimaha geeska Afrika, colaadaha ka jira oo ay ugu horreyso sidii Alshabaab gobolka looga cirib tiri lahaa, sidoo kale waxyaabaha ka dhacaya Itoobiya iyo guud ahaan Geeska, waana guul Somaliya u soo hoyatay.

Dhinaca kale waxaa socda dadaallo iyo hawlgallo lagu baacsanayo Alshabaa, laakiin waxaa jira dhaliilo muuqda oo aan la qarin Karin una baahan in MW Xasan Sheekh iyo RW Xamza Cabdi Barre diiradda saaran dhibaatooyinka abaaraha, amaanka iyo dowlad wanaagga oo laga gudbaa nidaamka ah in qof shaqo ama jago loo raadiyo ee waa in shaqada qof qaban karaa loo raadiyo, iyadoo loo dhimrinayo kuwa liita, kuwa baahan, kuwa buka iyo kuwa barakacsan oo aan sugi Karin waqti dheer iyo rajo berri iyo saa dambe ka fog.

Guulaha  ay dowladda dalka ka talisaa ka gaartay arrimaha dibadda waa in gudaha dalka laga arkaa, laga dareemaa, lagana gaaraa.

Aagab iyo dad la’aan Somaliya ma hayso ee waa inay ka baxdaa talaxumada iyo xulashada ku dhisan saaxibtimo, loona gudbaa in qofka lagu abaalmariyo wixii uu qabto, loona dhiibaa wixii uu qaaban karo, iyadoo lagu kormeerayo.