Waxaa si deg degsiimo ku jirta uga socda dowlad goboleedyada dalka qaar, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland boobka doorashada aan heshiiska lagu ahaynin. Ujeedada Shirka Muqdisho ee loo balansan yahay ayaa ahayd in looga hadlo turxaan bixinta doorashada.
Waxaa muuqata in Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay doonayaan in ay yimaadaan shirka Muqdisho iyaga oo soo saaray kuraasta uu muranka ka taagan yahay iyada oo aan la raacin habraaca sharci ah.
Waxaa kale oo jira khalaase ka taagan gudiyada maamulaya doorashada oo qaarkood lakala diray, hogaana aan lahaynin. Sidee doorasho lagu qanacsan yahay u qabanee hadii ayan jirin gudi doorasho oo mamulaya doorashada?.
Hadii Dowlad Goboleedyadu bilaabeen soo saarida kuraasta Aqalk Hoose ee lagu muran sanaa loogana hadli lahaa kulanka uu ku baaqay RW Rooble maxaa looga baahan yahay in loo qabto kulanka Wadatashiga Qaran?