(MAQAAL) MW Farmaajo oo dhiiga shacabka ku raadinaya mudo kordhin ,

Reading Time: 2 minutes

Soomaaliyeey Xaqa & xaqdarada hawada simin , dalka inuu hormaro wuxuu ku xiran yahay wacyiga bulshada oo sare looqaado , bal arag xooga & boobka laga kari layahay Madaxweynaheena oo aan caqli aan xoog aheyn laheen.

MW Farmaajo wuxuu milkiyay ineey u qaadumeeyaan Madaxda kala ah Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor , Madaxweynaha Hirshabeelle Ali Guudlaawe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed LAfta gareen & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish,

Kaliya Madaxweynaha waxaa ka dhiman laba maamul goboleed oo kala ah Jubaland & Puntland kuwaaso diiday ineey unacam leeyan ama ay ubooban shacabka soomaaliyeed sidaasi darteed madaxweyne farmaajo wax kalsooni kuma qabo 4 maamul u daacad ah sidaasi darteed wuxuu isku dayaa inuu labada maamul ka dhiman xoog ku darsado.

hadii qiimeen lagu sameeyo goobaha ugu badan ee doorashooyinka Qaranka ayka dhacayaan waxaa ugu dad ka badan waa 4 Maamul ee uu milkiyadooda heesto,

Tusaale 72 kursi oo dir ah waxaa lagu dooranaa deeganada uu asaga nacam leeyaashiisa maamulaan, 68 oo digil & mirifle ahna waxaa lagu dooranayaa deeganada uu asaga nacamleeyashiisa mamulaan, 77 kursi oo hawiye ahna waxaa lagu dooranaa deeganada nacamleeyaashiisa maamulaan , 35 kursi oo dadka laga tirada badan yahayna waxa lagu dooranayaa deeganada nacamleeyaashiisa maamulaan .

Hadama markii la isku geeyo guud ahaan tirada kursi ee lagu dooran doono deeganada ay maamulaan nacamleeyaashiisa waa 250 kursi ayaa taala deegan ada ay maamulaan Madaxweyne Farmaajo nacamleeyashiisa .

Tirada Guud ee Xildhibaanada labada aqal waa 329 , hadama markii laga jaro 250 kursi waxaa soo hareeysa 79 kursi oo taala deeganada Puntland & Jubaland .

Haddaba Shacabka Soomaaliyeedoow hadii Madaxweyne Farmaajo uu doonaayo doorasho inuu qabto kufilan tirada deeganada nacam leeyayaashisa maamulaan , hadii uuba baadi karo , balse waxaa xaqiiq ah inuu Farmaajo doorasho rabin ee uu doonayo in uu dagaal ladhaco kadibna dhiiga shacabka ku gorgortamo si loosiiyo mudo kordhin .

Qof kasto caqli leh wuu fahmi karaa damaca Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mudo kordhin dhiig lagu daadiyo maadama 4 sano ee uu talada dalka hayay uu geestay tacadiyo & dhibaatooyin aan loomeel dayanin.

Waa in shacabka Soomaaliyeed kala aqoonsadaan xaqa & xaq darada , Hadafka Madaxweyne Farmaajo waa inuu dhiiga shacabka ku hello mudo kordhin oo uu damacsan yahay dowladaha uu hishiisyada qarsoodiga kula jiro uu ka filaayo garab istaag markii dagaal uu dhaco.

Shaki kuma jiro in 8 February uu soomaaliya dagaal ka dhici doono markii ay dhamaato mudo xileedka Madaxweyne Farmaajo lkn waxaa xaqiiq ah in dhiiga shacabka aan lagu heli doonin mudo kordhin .

Raisal Wasaaraha Qaranka wuxuu mooda hadii uu kusocdo talada farmaajo inuu heli doono 4 sano so socoto kursiga uu ku fadhiyo lkn taasi waa riyo , madaxweyne Farmajo hankiisa wa mudo kordhin wuxuuna ku gorgortamayaa dowlad wadaag haleela dhisto mudana hala isiiyo .

Waxaan kula talin lahaa RW Rooble dhiiga dadkaaga ee ku dhaqan Gobolka Banaadir in loodaadiyo dano shaqsi ha ogolaan taariikhdadana , hadii uu farmaajo wanaagsan yahay ragii garbihiisa ahaa midba maalin qashiqubka kuma tuureen .

Unax dhiiga shacabka ku dhibaateesan Gobolka Banaadir , allihi ku uuntay ka baq , garab ha unoqon nin mudo xileedkiisa dhamaaday , yuusan kugu adeegan oo hanoqon maliibanayaasha lagu liibanay.

W/Q Prof Abdirashiid Mohamed