Mandera: Bamb gacmeed lagu weeraray ciidanka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa saacado ka hor lagu weeraray Bomka gacanta ciidan nabadsuguda ee Kenya oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taal duleedka magaalada Mandera. Dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa la geeyay cispitaalka Magaalada Mandhere.

Magaalada Mandhere ayaa ah magaalo xudud la ah dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Buula Xaawo. Dhowr mar ayaa la weeraray degaanka Mandhere weeraradaas ayaa inta badan sheegan jireen Kooxda Al Shabaab.