Maleeyshiyaadka Oromada oo Xalay Weerar ku qaaday Degmada Ma’aayso

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii xumaanayso xaalada Amni ee dhulka Soomaalida ayaa waxa iyadana sii kordhaysa gumaadka lagu hayo shacabka Soomaalieeyd.

Wararka ka imaanaya  gudaha  dhulka Soomaalida ayaa sheegaya in ay maleeyshiyaadka Oromada xalay weerar gaadmo ah ku qaareey degmada Ma’aayso ee gobolka Shiniile.

Ilo waredyo ayaa sheegay inay xalay maleeyshiyaadka Oromada laba meelood ka soo weerareen Qabalaha Somadaye oo ka mid ah degmada Ma’aayso. Xoolo dhaqatadi Soomaalida ee  ku sugaan degaanka ayaa iska difaceen kadib markii ciidamada Itoobiya ayaa garaay gobta dagaalka ka dhacaay. Dhanka Somalida wax dhimasho ama dhawaac ma jiro.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!