Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Tuulo lagu Magacaabo Gumarey  oo hoostagta degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellada Dhexe ayaa waxa halkaas  lagu rasaaseeyey dad shacab taas oo keentay  khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa la sheegayaa in ciidamo wata gadiid dagaal ay rasaaseeyeen dhalinyaro xiligaa ku sugnaa maqayaad lagu shaaheeyo. Dad Degaan degaankaas ayaa  sheegay in rasaastaas ay ku dhinteen sida alaa iyo hada la xaqiijiyay  labo dhalinyaro ah halka Seddax kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada muqdisho.

Waxgaradka Degaanka ayaa ku eedeeyey weerarkaasi in ay ka dambeeyeen ciidamo ka amar qaata Guddomiyaha Gobolka Shabellada Dhaxe, halka qaar kalana ay eeda  sareen beel ka mida beelaha dega degmada Warshiikh. Ilaa iyo hadda dowlada Hishaballe kama ayan hadlin dhacdadaan.