Wararka ka imanay gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.
Xiisada ayaa la sheegay in ay u dhaxeyso Maleeshiyo Beeleed Walaalo ah oo wada daga deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay isku hor fadhiyaan gudaha deegaanka, islamarkaana laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco halkaasi.
Waxgaradka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay wadaan dadaalo nabadeed, si looga hortago xiisadaasi.
Muddooyinkii danbe ayaa waxaa deegaano ka tirsan Mudug ka taagnaa Xiisado Colaadeed oo u dhaxeeya Maleeshiyaad wada daga gobolkaasi.