Maleeshiyaadka Macaawisleyda oo sheegatay in ay dileen saraakiil  ka tirsan AL Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Waxaa iska horimaad ciidan ka dhacay Gobolka Hiiraan kaas oo  dhex maray dabley hubeysan oo ku sugnaa  meel ku dhow deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Sida ay yeeshaan warar hordhac ah iska horimaadkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.  Maleeshiyaadkaan ayaa ah kuwa iyagu isabaabulay oo la dagaalama kooxda Al Shabaab.

Afhayeenka Maleeshiyaadka ayaa sheegay in ay ku dileen dagaalkan sarkaal ajnabi ah oo ka soo jeeda dalka Kenya. Sarkaalkana ayaa ay sheegen in uu hogaaminayay dagaalka.

Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ee lagu diley iskahorimaadkan ayaa la sheegay inuu caan ka ahaa deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan isagoo magaciisa lagu sheeay Maxamed. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kooxda Alshabaab ee la xiriira dagaalkan ka dhacay gobolka Hiiraan.