Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Doolo ee deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ciidan ay ka ka wadaylabadii maalin ee la soo dhaafay degmada Yucub ee gobolkaasi
Wararka ayaa sheegaya in Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay markii hore u yimaadeen in ay kala dhexgalaan labo beelo oo dhowr maalin is-hor fadhiday degaankaas siidi ay sheegeen dadka degaankaas ku dhaqan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Yucub iyada oo ciidanku bilaabeen in ay xirxiraan dad shacab ah oo dhibaato horay u gaysanin.