Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu dilay degaanka Lamu ee dalka kenya

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegtaan wararka ka imaanaya dalka Kenya saddex  ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa Shalay lagu dilay degaanka Kiunga, oo hoos taga is-maamulka Lamu, markii ay Ciidanka Boliiska Kenya Rasaas is weydaarsadeen xubno ka mid ahaa malayshiyaadka Al-shabaab oo halkaasi dhigayay Miino.

Saraakiisha Boliiska Kenya oo u warramay Jariiradda Daily Nation ee Dalkaasi kasoo baxda ayaa sheegay in iska hor imaadkaasi ay iyaga kaga dhaawacantay Laba Sarkaal.

Sidoo kale labo ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya ayaa ku dhaawacmay. Ciidamada ayaa la kulmay Al-shabaab xubno ka mid ah oo qarax ku aasayay degaanka Kiunga ee Gobolka Lamu.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in goobahaas aysan ku badneyn Ciidamada maaddaama aysan heysan agab ku filan.

Ciidanka Boliiska Kenya, gaar ahaan Unugga ilaalada xudduudaha ee (RBPU ) loo yaqaan, ayaa xilligaasi ku guda jiray howlo gaaf meer ah, waxanay sheegeen in ay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab.