Maleeshiyaad Hubeysan Oo Rasaaseeyay Gaari Marayay Wadada U Dhaxeysa Magaalooyinka Gaalkacyo Iyo Hobyo

Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay, Afar kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari marayay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa inay gaarigan rasaas ku furaan waxa ay ka dambeysay kadib markii ay wadaha gaariga ku amreen inuu istaago, balse amarka uu ka dhego adeegay.

Waxaa la sheegay maleeshiyaadkan inay doonayeen dhac ay u geystaan dadka saarnaa gaariga oo ku sii jeeday degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay goobta lagu rasaaseeyay gaarigan, waxayna ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay, si sharaciga loo horgeeyo.

Maalmihii dambe ayaa degaanka lagu rasaaseeyay dadkan shacabka ah waxaa isku heystay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaasi oo ku heshiin waayay dhul daaqsimeed.