Mala Socotaa Ceebtii Shalay ka dhacday Ex-Isgooyska Zoobe  iyo Bulshadda Soomaaliyeed oo ka Naxday Damiirka Kooxda N&N+Baaq ku Socda Madaxweyne Farmaajo (SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Shalay waxaa lagu xusay EX-Isgooyska Zoobe Ee Magaalada Muqdisho 14-ka October oo ah maalin madoow oo la xasuuqay in ka badan 500-oo ruux oo shacab ,waxaana iskugu soo baxay kumanaan shacab ah oo aad uga xumaa maalintaasi dhibka gaaray Umadda Soomaaliyeed.

Goobta waxaa gaaray oo joogay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo uu ka mid yahay R/wasaare Xassan Cali Kheeyre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,Wasiiro iyo Xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Golle.

Iyadoo ay murugo tahay oo dhamaan intii  goobta joogtay ay la qushuucsan yihiin dhibkaasi Umada Gaaray ayaa waxaa mar qura soo galay Baabuur lagusoo Xar-dhay Boorar  iyo hal ku dhigyo lagu xayeeysiinaayo Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheeyre.

Jawigii Murugada ahaa waxaa uu isku Rogay amankaak sababtoo ah Goobta ma aheeyn Isu soo bax Olole Doorasho ee waxaa ay aheed xus maalin madoow,Shacabkii halkaasi joogay ayaa si tartiib-tartiib ah goobta ugu huleeyay intoo badan marka laga reebo qeeyb yar oo taageersan Nidaamka Nabad iyo Nolol.

Maxamuud Cali ”Tomaato” oo barre ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ku yaalla  ayaa warbaahinta u sheegay in arintaani ay ceeb ku tahay Dowlada Soomaaliya,waxuuna xusay in dhacdooyin kuwaan ka duwana laga sugaayo.

”Kheeyre iyo farmaajo waxaa ay mar kale dhex-galeen  fashil iyo ceeb aysan kasoo kabsan doonin,damiirka nuucaas ah waxaa la dhahaa maxaa iiga gadhiis ah”Sidaasi waxaa yiri Maxamuud Cali ”Tomaato” 

MUQDISHO ONLINE ayaa dhawaan idinsoo baahisay in ay suuragal tahay in maalintaan si aan hagaagsaneeynin loo xuso,si umadda loo xasuuqay ehelkooda loola qeeyb-sado dareenka,waana ay dhacday