Mahdi M. Guled oo ka been sheegay xayiraada laga qaaday xoolaha Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Xukuumada Somaliland  ayaa war ay ka soo saartay Markabkii xoolaha siday ee dhowrka  maalin ku xayirnaa Sucuudiga in ayan waxa shaqo ku lahaynin dowlada Soomaaliya.  Dowlada Farmaajo ayaa in mudo ah waxa ay ka shaqaynaysay in ay cunuqabatayn ku soo rogto dalka la magac baxday Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Cabdiqaadir Cumar Jaamac ayaa sheegay in ganacsato reer somaliland ah oo ku sugan wadanka Sucuudigu ay ku guulaysteen inay xayiraada ka qaadaan markabkii xoolaha.

Wasiirka ayaa sidoo waxa uu meesha ka saaray dooda Soomaaliya ee sheegaysa in Raysal Wasaare Ku Xigeenku  Soomaaliya Mahdi M. Guled oo isagu ka soo jeedo Somaliland ku guulaystay inuu xayiraadii ka qaaday markabkii siday xoolaha. Wasiirka ayaa yiri “dowladii iyada marka hore ka shaqaysan in ay xayiraada saarto xoolaha Somaliland sidee bay suuragal ku tahay in ay ay isla iyadii sheegato in ay xayiraada ka qaaday”.

Wasiir ku xigeenka ayaa ku dooday sidan “Arinta raysal wasaare ku xigeenku sheegayo waxba kama jiraan waana arin been ah balse waxa arinta ka hawl galay dad badan oo tujaar ah ganacsatada somaliland ah kuwaas oo jooga dalka Sucuudiga laakiin arintaas uu sheegay raysal wasaare ku xigeenku waxba kama jiraan.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arimaha dibada soomaliland Cabdiqaadir Cumar Jaamac oo la haday Bulshotv.